Blog: http://ReerFaqi.ilcannocchiale.it

Sovictwatch oo Khadka Telefoonka ku Wareysatey SULDAAN CUMAR FAQI XAAJI AWIISA:- “ SULDAANKA TUNNI 5 GAMAAS & REER BARAAWE “. Oo ku sugan Magaalada Mombasa/Kenya.

Waxaa Hay’adda u dooda Xuquuqda Soomaalida dulman oo fadhigeedu yahay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka u suurto gashey iney Xiriir la yeelatey Suldaan CUMAR FAQI XAAJI AWIISA oo ah Suldaanka Tunni 5 Gamaas & Reer Baraawe isagoo jooga Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya.

Suldaanka oo ka qeyb galaayo Waan Waanta Nabadeed ee Soomaalida ugu socoto Dalka Kenya ayaa in dhoweydba ku sugnaa Magaalada Mombasa oo uu ku booqanaayey Beelaha uu Mathalo iyo Asxaabtiisa Soomaaliyed ee ku sugan halkaas.
Waxaa Suldaanka Wareysatey Dr Lisa F. Douglas PHD ( International Relations & Early Warning System), waxaana u turjumeysey Dr Fatuma M. Ali PHD ( Poltical Science & International Relations) isagoo lagu wargeliyey Suldaanka in Codkiisa la duubaayo oggolaanshana laga heley ayaa Wareysigu sidaan ayuu u dhacey:-
Sovictwatch:- Suldaan ! Waan ku salaameynaa, waxaana ka codsaneynaa inaad no saamaxdid inaan kuula yeelano Wareysigani oo aan dooneyno inaad wax nooga sheegtid Shirka Soomaaliyed ee aad u joogto Kenya iyo Dagaallada Cusub oo ay ka bilowdeen Deegaanada Sh. Hoose iyo Jubbooyinkaba.
Suldaan Cumar :- Bismillahi Arraxmaani Arraxiimi, Waan idinka guddoomey salaanta, waana idinka oggolaadey inaad duubataan Wareysigeyga.
Haddii aan ka bilaabo Shirka Nabadeynta Soomaaliyed waa sida aad u sheegteen wuu socdaa, Anigana waxaan ka mid ahay Dhaqankii la Casumey iney gacan ka geystaan Nabad laga Islaaxiyo Dalka iyo Ummadda Soomaaliyed dhexdeeda, lagana soo dhiso Dawlad loo dhan Yahay oo Caadil ah Haddii uu Ilaahey Raalli ka noqdo.
Waxaa kale oo laysla ogsoon yahay inuu Shirka muddadiisa dheeraatey, laakin sideedaba Islaaxa waa Kheyr, oo Kheyrkana waa soo raagaa, waana inaan laga daalin Nabad Raadinta maxaa Yeeley waxay ka mid tahay Cibaadada iyo Camalka suuban oo Qof kasta oo Ilaahey Aaminsan lagu waajibiyey, anngana aan ka mid nahay.
Tan Dagaallada aad sheegteen iney ka bilowdeen Gobollada Sh. Hoose iyo Jubbooyinka, waxaan ka oran lahaa Soomaaliya oo dhan ayaanba Nabad waarta ka jirin 13 Sano oo la soo dhaafey inkastoo ay Gobollada in yar kala nabadgelyo badan yihiin, laakin waxaa runta ah ineysan jirin maanta Qoys Soomaali ah oo Nabad gelyo Buuxda ku seexdo kuna soo tooso.
Gobollada Sh. Hoose iyo Jubbooyinkana waxay ka mid yihiin Dalka Soomaaliyed oo ay Musiibada Dagaalka ku dhacdey Ilaaheyna waxaan uga baryeynaa Inuu Nabad ka Islaaxiyo oo Illaahey baa Nabadda Keeni kara oo keliya, maxaa yeeley Sh. Hoose iyo Jubbooyinka waa meesha keliya ee ay isku haystaan Dadka aaminsan In Madfac iyo Qori Addunka lagu maquunin karo, waxaysa Ilowsan yihiin in wax waliba uu leeyahay bilow iyo dhammaad, waxaa aan dhammaanin uu yahay Ilaahey Wajigiisa iyo Jiritaankiisa oo keliya.
Sovictwatch:- Suldaan! Waxaa ay Wargeysyada iyo Idaacdaha Muqdisho faafinayaan inuu dagaalka Sh. Hoose iyo Jubbooyinka uu u dhexeeyo Tunnida oo ay gacan saar la leedahay Isbaheysiga Dooxada Jubba, TNGda Cabdiqaasim iyo Sheekhaasa o iyana la safan Jen. Morgan, Cabdullahi Yuusuf, iyo Maxamed Dheere sbaheysigiisa, maxaad ka oran lahayd Warkaasii?
Suldaan CumarFaqi:- Aniga waxaan joogaa Kenya muddo hal sano ku dhawaad ah, laakin wararka deegaanka aan ka soo jeedo maalinle ayaa leygu soo tabiyaa, ogaanteydana wax dagaal ah Qowmiyadda Tunni 5 Gamaas &Reer  Baraawe oo ay kula jiraan Qabiilka Shiikhaal la yiraahdo ma jiraan, oo maxaa yeeley Shiikhaal waa nala degaan meelo ka tirsan Xeebaha Xaramka sida Makaase iyo gobo kale oo ay Tunni soo dejisey waqtiyadii Talyaaniga uu Dalka Gumeysan jirey, waxayna ku soo degeen magaca Qabiilka loo Yaqaan Gooy-gaal oo ka tirsan 5 Gamaas, Xeerka iyo Dhaqanka 5 Gamaasna ayey halkaas si Nabdgelyo iyo Walaaltinnimo ay ku dheehan tahay ayey ku dhaqamaayeen kuna daaqsanayeen.
Nasiib darro markii la bur-buriyey Rejiimkii Maxamed Siyaad Barre ayaa Dalka oo dhan ka dhalatey Fowdo oo sabab u ah Dagaallada hubeysan ee dalka ka socda muddo 13 Sano, kaasoo Qolo kasta isku dayeyso iney Dhul yeelato ay is-hubeysey, waana arrin lala yaabo haddii aan u dhaba galno Soomaalida dulmiga ay isku hayso wuxuu salka ku haayaa Dhul boob iyo Dhul ballaarsi oo loo isticmaalaayo Qori caaraddiisa taasoo loo baahan yahay in laga tanasulo si Nabd-gelyo ahna loo wada noolaado maxaa yeeley Ummadda weligeed wey wada nooleed waxaana ka dhexeeyey dhaqan iyo Xeer.
Sovictwatch:- Suldaan! Shiikhaasha waxay sheeganeysaa iney leedahay Jilib iyo Nawaaxigeeda iyadoo ay ku tilmaameyso Dooxada Jubba iney Xoog ku haystaan Dhul Shiikhaaleed, ma waxaad leedahay Shiikhaal ma laha dhulkaas iyadoo waliba Suldaanka Shiikhaal uu Wareysi ku bixiyey in Marxuum Gen Maxamed Ibraahim Liiq-Liiqato uu ahaa nin looga dambeyn jirey arrimaha Jubbooyinka?
Suldaan Cumar Faqi :- Waa run, waan maqley iney Shiikhaal ay sheeganeyso Jilib iyo nawaaxigeeda waxaanse ka oran lahaa “ Adduunka manta lama abuurin, Soomaaliyana sidaas oo kale wey soo jirtey, Taariikhdana lama beddeli karo oo waxay ahaaneysaa sideeda.
Soomaaliya Taariikhdeeda Adduunka oo dhan ayaa laga heli karaa, Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyedna way ka war-bixin karaan, Dhulka Tunnida 5 Gamaas wuxuu ka soo bilowdaa Muungiye ( meel aan ka fogeyn Tuulada Golweyn) wuxuuna ku dhammaadaa Goob-Weyn, Ciddii taasii dood ka qabtana waxaan leenahay waa loo Caddeynayaa Qoraal ahaan iyo Wadamadii Soomaliya soo Gumeysan jirey way hayaan deegannada Soomaaliya iyo sidii loo kala lahaa.
Tan Marxuum Gen. Liiq-Liiqato waxaan ka oran karaa inuu ka mid ahaa Tunni 5 Gamaas, Reerkii soo koriyeyna weli ma dhammaanin ee Odeyaal baa ka nool waxayna xaadir ku yihiin deegaankooda, haddii uu Nabadeynta Jubbooyinka uu wax kala qaban jirey Dawladihii Soomaaliyed waxaan leeyahy Xaq buu u lahaa maxaa yeeley Madaxda Dalka ayuu ka mid ahaa, Qof Tunni-Shiikhaalna waa uu ahaa, taas se dhul Tunni laguma yeelan Karin Sharci ahaan iyo Xeer ahaanba.
Sovictwatch:- Suldaan! Ma waxaad ina leedahay Suldaanka Shiikhaal Suld. Lugaloox warkiisa Run ma ahan, mise wax la taaban karo ayaad inoo haysaa?
Suldaan Cumar Faqi :- Haddii aan bog cusub loo fureynin Arrinta Soomaaliya Warka aan idin siinaayo ayaa dhabta ah, tan Suldaanka aad ii sheegteen Magaciisa idinka ayaan hadda idinka maqlayaa waana mid igu cusub maxaa yeeley Annaga Shiikhaal iyo Reer Faqi waxay noo ahaayeen Culimadeyna,
Waxaana ku Xushmeyn jirney Diinta aan u xilsaaraney iney noo hayaan, haddiise hadda ay yeesheen Salaadiin waa arrin ku Cusub Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaaliyed, Suldaanna waa inuu yeesha Dad, dal iyo Sharci sidaasna ayaan filayaa sababta ku kalliftey Walaalheyna Shiikhaal iney sheegtaan Dhul aysan lahayn maadaama ay aamineen Qoriga.
Waxaanse Ilaahey ugu baryayaa inuu Xaqqa tusiyo soo hanuuniyo, iskana daayaan dagaallada ay wadaan , maxaa yeeley dhibaato mooyee wax fa’iido ah Dagaal inuu leeyahay Tunni ma aaminsana maadaama ay horey u soo dagaallami jirtey waxay noqdeen dad Nabad jeceyl ah, maxaa yeeley maah maah baa jirta oo dhaheyso “ Qolo aan Dagaal soo marin, Nabad ma garan karto”.
Sovictwatch:- Suldaan! Maxaa ka jira Isbaheysiga la idinku sheegey inaad la leedihiin Dooxada Jubba iyo TNGda Cabdiqaasim?
Suldaan CumarFaqi:- Soomaali nimo wax dhaafsan annaga Cid aan la leenahay ma jirto, maxaa yeeley sida uu Caalamka ogsoon yahay Tunni kuma jirto Dgaalka Sokeeye ee Soomaliya, weligeedna ma gelin haddana ma geleyso Insha Allah.
Soomaalida way ogtahy iney Tunni 5 Gamaas dhexdeeda lagu bad baado oo keliya oo aan lagu khasaarin haba yaraatee.
Waa la wada ogsoon yahay Tunni iney soo bad-baadisey Boqollal Kun oo Soomali ah Qolo kastana ay leeyihiin markii ay Isku laaynayeen Hawiye iyo Daarood, lama sheegin Cid Tunni dhacdey ama dishey ama kufsatey, balse waxaa jiraan kumayaal dhaawacooda ay Tunni Ilaahey dartiisa u xannaaneysey, Meydkooda u aastey, Sahey iyo Daweyn lacag la’aan ahna ay siisey, waxaan rajeynayaa haddii Dadkaasii ay manta na maqlayaan iney idinla soo xiriiraan.
Tunni 5 Gamaas weligeed waa lagu soo degi jirey, lala dhaqmi jirey, waxna lala qeybsan jirey, haddase sidaan horeyba idinku sheegey Tunni waa “LA HAYSTEYAAL” oo lagu haysto Qori caaraddisa, waana u dulqaadaneysaa inta Ilaahey uu Somaalida Iimaanka ugu soo celinaayo, kana waantoobayaan Dulmiga ay hadda ku hayaan Tunnida iyo inta la noolba oo Nabadda iyo Wada Noolaanshada Jacel.
Dooxada Jubba, TNGda, iyo Shiikhaashaba waa inoo siman yihiin waana Walaalaheyna oo ina dulminaayo, Addunka sidaas ayaan u sheegeynaa, Soomnaalidana sidoo kale, waxana ugu baaqeynaa ineysan isku dhammeynin Dhul iyo Dad oo aysan iyaga laheyn; weyna wada ogsoon yihiin haddi Ilaahey laga Cabsanaayo.
Sovictwatch:- Suldaan! Sideed u arkeysaa Arrinta Somaliland, ma kula tahay in la Aqoonsan karo Maadaama aad adiga tahay Salaadiinta magaca Weyn ku leh Caalamka, Reerkaagana ay yaqaaniin Reer Galbeedka oo dhan, weliba aan soo Ogaaney inaad haysataan Maamuus Sharafeedyada ugu Sarreya oo ay bixiyeen Talyaaniga iyo Ingiriiska muddadii ay Somaaliya Gumeysanayeen?
Suldaan CumarFAqi:- Waa runtaada inaan Boqortiiyadii Ingiriiska iyo Tii Talyaanigaba aan ka haysano Maamuus Sharafeedka kuwa ugu sarreyo oo ay ka bixiyeen dalalkooda, siiyenna dalalka ay Gumeysan jireen, taasii waxaa sii dheer In Boqortoyadii Reer  Cumman oo uu Madaxda ka ahaa Suldaan Barqash aan Shahaadooyin ka heysano iyo inaan Xiriir dheer la lahaan jirney Taariikhdoodana laga heli karo Cumaan, Kenya, Tanzania iyo Waddamo kaleba, waxaase intaas oo dhan ka weyn Karaamadii Ilaahey inagu karaameeyey inaan Soomaali Noqono, Diinta Islaamkana aan dhowrno annagoo aanan fogeyneynin Dadyowga Caalamaka iney nala noolaadaan iyagoo Xur ah Diin kasta iyo dhaqan kasta ay leeyihiiba oo aan wax u dhimeynin teyna.
Arrinta Somaliland waa arrin u taalla Somaalida oo dhan guud ahaan, gaar ahaanna Reer  Soomaliland, waxaana Suldaan ahaan ugu Hambalyeynayaa Guusha ay dalkooda & dadkooda gaarsiiyeen oo ugu Horeyso Nabadda oo aan aanagu la’nahay 13 Sano, Kenyana u fadhino Laba Sano ku dhowaad.
Aqoonsi la aqoonsado Somaliland waxaan u arkayaa inuu iska imaan doono iaydoo la raacaayo Xeerarka Caalamiga ah sida Afti Guud oo laga qaado Shacabka Soomaaliland iyadoo ay goob-joogeyaal ka yihiin Bulsho Weynta Caalamka, inta taasii laga gaaraayo Aniga waxaan qabaa Soomaliland iney buuxisey Shuruudaha Dawladnimo mar haddii ay leedahay Shacabkii, Dhulkii iyo Sharcigii iyo kala dambeyntii waxaii intaas soo raacana waa wax aan sidaas u weyneyn baan dhihi karaa.
Waxaanse Soomalida ka codsanayaa iney u hambalyeeyaan Soomaaliland guusha ay gaartey darteed, kuna daysadaan iyadoo aan la yaseynin lana xasdeynin, Ilaaheyna Ajar iyo Xasanaad ha ka siiyo Ammanka ay sugeen oo annagu aan la’nahay.
Sovictwatch:- Suldaan! Miyaadan u arkeynin taasii kala go-go ku yimaado Midnimada Soomaaliyed sida ay Siyaasiyiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Koonfureed ku doodaan?
Suldaan CumarFaqi :- Midnimada Soomaaliyed Aniga waxaan u garanayaa ineysan Soomaliya is-dilin, Walaalna ku ahaato Soomalinimada, Diinta iyo dhaqanka waxii intaas ka baxsan waa Siyaasad, Siyaasadna waa maamul la wadaago iyadoo Raalli Leysku yahay oo haddii taasii la waayo, maxaa diidaayo in Soomaliland ay noqoto dawlad Kursina ku yeelato UNka, sida Djibouti, taasoo aan u arko kheyr u soo siyaadey Somaaliya maadaama dhowr Kuraas aan ku yeelan karno UNka iyo Daafaha Caalamkaba xiriir dhaqaale iyo Siyaasadeedna naga dhexeyn karo. Maxaa ay arintaas inoo dhimi kartaa?
Sovictwatch:- Suldaan! Sideed u arkeysaa Is-haysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyed ee Shirka Dib u Heshiisiinta iyo Qod. 30aad?

Suldaan Cumar Faqi:- Hoggaamiye yaasha Sooamaaliyed Isma Haystaan oo wax ay isku haystaan Aniga iima muuqato, waxaanse dareemayaa Iney aad iyo aad u mideysan yihiin waxayna ku mideysan yihiin Iney Awoodooda sii haystaan, taasna cidna kama qarsana haddii Ilaahey laga Cabsanaayo.
Waxaase is-weydiin mudan Yaa laga sugayaa Nabadda Soomaaliyed oo aan Anigu qabo Ilaahey ayaan ka sugeynaa iyo Ummadda oo garata Danaheeda inta goori ay goor tahay, Qoryahana ay iska dhigaan, Is-cafiyaan, wada noolaadaan halkaasna waxaa ku dhammaan doonta Jiritaanka dadka aad ku tilmaanteen Hoggaamiyeyaal , Nabaduna ay halkaasii ka bilaaban karto haddii uu Ebbe Raalli ka Noqdo.
Qod 30aad waa Qodob horey dhowr jeer loo ansaxiyey loona diidey, waxaad moodaa inuu noqdey Halac mareen oo ay u arkeen Dadka Nabadda diidan iney ka dhigan karaan hadba cudur daar.
Annagase haddi aynu nahay Dhaqan Soomaaliyed waa inaan oggolaanaa inaan dhibaatada wax weyn ku leenahay maxaa yeeley Qab-qableyaasha Dagaalka Nooc kastaba ha ahaadaanee waxay ka fa’iideysteen Qoryaha ay gacanta ku dhigeen, dabacsanaanta Duubabka oo la kala safety Qab Qableyaasha iyo Addunweynaha oo aan weli si run ah ugu soo jeysanin Arrinta Soomaaliya, waxaanse Ilaahey ka baryeynaa inuu Xal Waara u keeno Soomaliya si loo kala bad-baado.
Sovictwatch:- Suldaan! Haddii lagaa Casumo Dal ka mid ah Adduunka si lagaaga dhegeysto Warbixin Caalami ah, ma oggolaan kartaa?
Suldaan Cumar:- Casumaad ley Casumo oggolaanshaheeda waxaa iska leh Qabaa’ilka aan Suldaanka u ahay, Siyaasiyiinteyna, Aqoonyahankeena iyo Odey Dhaqameedkeyna, waxaana filayaa ineysan diidi doonin haddii uu Martiqaadkaasii ay ka dhex arkaan Maslaxad Soomaaliyed guud ahaan, gaar ahaanna tan Tunni 5 Gamaas,Reer  Baraawe iyo inta Nabadda nagula deggan, Insha Allahu.
Sovictwatch:- Suldaan! Adigoo ku mahadsan Wareysiga aad naga oggolaatey, waxaan ugu dambeyntii ku weydiineynaa “ Maxaad kula talin lahayd Soomaalida iyo Bulshoweynta Caalamkaba” ?
Suldaan Cumar:- Idinkoo mudan, ugu horeyntii Soomaalida waxaan kula talinayaa inay Is-cafiso dalka iyo dadkana la bad- baadiyo inta ay goori ay goor tahay dulmigana ay so af-jaraan Ilaaheyna dembi dhaaf weydiistaan iyo Ummaddii ay Dulmiga u geysteenba.
Teeda kale intii Tunni 5 Gamaas dulmisey waxaan leeyahay ka waantooba, maxaa yeeley Maah- Maah badan ayaa ku soo aroortey Arrimha Tunnida oo aad iyo aad Nabad Jaceylka ku sifowdey, haddii aan qaarkooda idin sheego waxay oranayaan:- : TUNNI HA TIBLIN, HA U TALIN, HANA KA TEGIN”
Tan Addunweynaha waxaan leeyahay u dulqaata Sooamalida maxaa yeeley waxa Hubka qaatey waa Xoolo dhaqato Jaahil u badan haddii lagu sii daayo falakoodana waxay baabi’in karaan rajada yar oo laga leeyahay iney Soomaaliya Nabad ka hirgasho.
Waxaa kale aan ka codsaneynaa Addun-Weynaha inuu Hub Ka dhigis Guud oo Khasab ah laga sameeyo Soomaaliya si loo bad-baadiyo Shacbi-weynaha oo muddo 13 Sano ah la laynaayey iyo weliba si loo bad-baadiyo kuwa qoryaha haystaan Naftooda oo maalin kasta is-dila awood ay isku xukumaana aysan laheyn iyaga iyo kuwa sheeganaayo iney Xukumaan maxaa yeeley haddii ay wax xukumaan Ammaanka Qeybahooda ayey sugi lahayeen, ee Koonfurta Soomaaliya sida aan horeyba u sheegey waa meel Fowdo ba’aan ka jirta oo aan Cidna Cid kale Xukumin.
Kaasii waxaa uu ahaa Suldaan Cumar X, Awiisa oo Telefoonka ay ku Wareysatey Dr. Lisa Dgls. Oo xubin ka ah Ururka u dooda Xuquuqda Sooamalida dulman ee Waqooyiga Ameerika iyo Caalamkaba iyadoo u tarjumeysey Dr Fatuma M. Ali oo labaduba ku sugan New York-USA.
Fnte : Maayland



Pubblicato il 20/1/2005 alle 15.34 nella rubrica Diario.

Il Cannocchiale, il mondo visto dal web